Raiisul Wasaare Abbiy oo Dawlada Zimbabwe ka Dalbaday inay usoo Gacan Galiso Madaxwaynihii Hore ee Ethiopia (Mengistu Haile Mariam.) oo Muddo dheer Wadankaas ku Degan Magan galyo Siyaasadeed

Addis Ababa (OWN) – Ra’isal wasaaraha Dalka Ethioia Abiye Axmed ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah oo ka yaabisay shacabka Itoobiya kadib markii uu ka dalbaday Dalka Zimbabwe in ay dib ugu celiso Ethiopia Hoggaamiyihii hore ee dalkaas, Mengistu Haile Mariam.

Mengistu Haile Mariam, ayaa u baxsaday dalka Zimbabwe sanadkii 1991-dii markii uu bur buray taliskiisii, waxaana uu Zimbabwe ku noolyahay ilaa hadda.

Abiye Axmed oo ka hadlayay munaasibadda xorriyadda hadalka ee 3-da May ayaa ka dalbaday Dowladda Zimbabwe in ay ku wareejiso hoggaamiyaha hore.

Mengistu Haile Mariam, ayaa lagu heystaa dagaalladii uu geliyay Ethiopia iyo baabi’intii kooxaha mucaaridka ahaa ee dowladdiisa diiddanaa.

Waxyaabaha lagu heysto waxaa ka mid ah dagaalkii uu la galay Soomaaliya, dagaalkii Eritrea ay kaga go’day Ethiopia iyo gacantii adkeyd ee uu kula dhaqmay siyaasiyiinta mucaaridka ah.

Abiye ma sheegin in la maxkamadeynayo Mengistu Haile Mariam, waxaase uu dowladda Zimbabwe ku joogaa magangelyo siyaasadeed.

By Suxufi Sinyoore Hargaysa Office Oowaynemedia Tel: 0634353030

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker