Ruushka oo dalal kale kala hadlaya xaaladda cakiran ee Qasa

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa shalay magaalada New York ee dalka Mareykanka kula kulmay wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran,Turkiga iyo Lubnaan, ka hor kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Talaadada maanta ah looga hadlayo arrimaha bariga dhexe.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay iyada oo loo sii marayo app-ka fariimaha ee Telegram Talaadadii in kulammada labada dhinac diiradda lagu saaray waxa ka dhacaya Marinka Gaza iyo Suuriya iyo “xaaladda kacsan” ee Badda Cas.

Wasaaraddu waxay sharraxday in Lavrov iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian ay isla garteen baahida loo qabo xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza iyo shuruudaha bixinta gargaarka bini’aadannimo ee dadka rayidka ah.

“Walaaca guud ayaa laga muujiyay xaaladda kacsan ee Badda Cas, taasoo aad uga sii dartay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka iyo Britain ay qaadeen weerar kale oo Isniintii ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen, sababo la xiriira beegsiga maraakiibta xamuulka ah ee maraya badda cas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in Lavrov iyo wasiirka arrimaha dibadda Lubnaan Abdallah Bou Habib ay ka wadahadleen muhiimadda dadaalka wadajirka ah ee dalalka gobolka si loo gaaro xabbad joojin degdeg ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker