Garoonka Diyaaradaha Beledweyne Oo la Shaaciyay Inuu Xidhmay.

Guddiga gurmadka fatahaadaha ee dowlada federalka ayaa sheegay in xaaladda Beledweyne ay tahay mid khatar badan  oo  ay ka jirto isla markaana uu xidhmay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Guddigan  oo ah Wasiirka Gargaarka XFS Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in roobab xoog leh oo xalay ka da’ay magaalada Beledweyne uu sababay in garoonka diyaaradaha uu xirmay isla markaana xaaladda ay uga sii dartay.

Guddiga ayaa ka digey in magacooda lagu ururiyo gargaar isagoo amray in guddiga lala wadaago gargaarkii la yabooho ciddii u hogaansami weydana lala xisaabtami doono.

Ugu dambeyntii Guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa baaq u diray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Galmudug,Puntland iyo Soomaaliland maadaama garoonkii Beledweyne aysan diyaaraduhu ka dagi karin in kaalintooda ay ka qaataan in dadka dhibaateysan la gaaro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker