Haweeney isku karantiishay suuliga diyaarad Cudurka COVID-19 Dardiis

Macallimad u dhalatay dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay shan saacadood si iskeed ah isugu karantiishay suuliga diyaaradda kaddib markii laga helay xanuunka Covid-19 iyadoo ay diyaaraddu hawada ku jirto.

Marisa Fotieo ayaa sheegtay inay dareentay in dhuunta ay xanuuneyso xilli ay ka soo safartay Chicago una socotay Reykjavik, Iceland, taariikhdu markii ay ahayd December 20.

Ms Fotieo ayaa sheegtay inay si deg deg ah isku baartay iyadoo sidatay qalab, kaas oo xaqiijiyay inay qabto xanuunka.

Waxay ku dhex jirtay suuliga ilaa ay diyaaraddu ka degeyso, mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaana halkaasi ugu geeyay cunto iyo cabitaan.

“Waxay ahayd wax dhib badan,” Fotieo, oo ka soo jeedda Michigan, ayaa sidaasi u sheegtay NBC News. “Waxaa diyaaradda saarnaa 150 qof, cabsideyda ugu weyna waxay ahayd inaan qaadsiiyo cudurka.”

Muuqaalka ay soo dhigtay barta Tiktok oo ay ku duubtay gudaha suuliga diyaaradda Icelandair ayaa waxaa la daawaday in ka badan afar milyan oo jeer. Waxay shaqaalaha diyaaradda ku ammaantay sida ay u caawiyeen.

“Wuxuu hubiyay inaan helo wax walba oo aan u baahdo shantii saacadood ee xigtay haddii ay noqoto cunto iyo cabitaan si joogto ah ayuuna ii soo kormeerayay wuxuuna iigu laab qaboojiyay inaan caafimaadayo,” ayay u sheegtay NBC.

Fotieo ayaa sheegtay inay mar kale isku karantiishay hoteelka Red Cross hotel markii ay tagtay Iceland.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli nooca Omicron ee xanuunka Covid-19, uu ku faafayo gudaha Mareykanka. Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in noocan fayraska uu ka daciifsan yahay kuwa kale balse uu aad u fafo.

Sida laga soo xigtay xarunta ka hortagga cudurrada ee Mareykanka celcelis ahaan kiisaska cusub ee toddobada maalmood la diwaan geliyo waa 277,000, waana tiradii ugu sarreysay tan iyo intii uu xanuunku dillaacay. Heerka dhimashada iyo dadka isbitaalka la dhigayo, ayaa si kastaba, intoodii ah.

Tirada sii kordheysa ee dadka lagu qasbo inay is karantiilaan sababo la xiriira xanuunka ayaa culeys ku keentay shirkadaha, sida diyaaradaha. Khamiistii ayay ahayd markii ku dhowaad 1,100 duullimaadyo ah laga joojiyay dalkaas, sida laga soo xigtay barta shirkadda FlightAware. Lama oga inay haweeneydan sidatay warqadda baaritaanka Covid-19 kahor inta aysan diyaaradda raacin.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker