Safiirka Dawladda Maraykanka U fadhiya Somalia oo wax Laga waydiiyay Dib u dhaca Doorashooyinka Golaha Wakiilada Somaliland

Hargeysa(OWN):-Safiirka Dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, oo La suaalay  Sababta muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashooyinku u geysan karaan sumcadda Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyadda, ayaa sheegay in Maraykanku aaminsan yahay in xasiloonidu ay ku imanayso dawlad wanaagga iyo in la oofiyo wacadka ah dhowrista dimuqraadiyadda ee loo qaadayo hoggaamiyeyaasha bulshada, dhalinyarada, iyo guud ahaan bulshada.

Danjire Donald Yamamoto oo u warramay talefishanka CBA, ayaa sheegay in dhowaan Soomaaliya laga cafiyi doono deymo fara badan oo ay dawladihii hore ee Soomaalidu dunida ka deynsadeen, taas oo ay dabcan Somaliland ka mid ahayd.

 

Waxa aanu tilmaamay in dhaafista deymahaasi ay horseedi doonto in Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirtaa ay helaan deymo cusub iyo in maalgashi shisheeye oo badani yimaaddo. Laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in cidda deyn cusub siinaysa ama maalgashanaysaa ay marka hore eegayso dawladnimo wanaagga, iyo nidaamka dalka ka jira,

 

isaga arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “.. waxaa imanaysa in hadda kaddib ay ku soo jeestaan indhaha dunidu. Taas macnaheeduna waa in Soomaaliya iyo Somaliland ba si gaar ah indhaha loogu hayn doono … Sida ay ula macaamilaan xuquuqda aadamaha, hay’adaha xuquuqda ee rayidka, ammaanka, sida ay dadkooda ula macaamilaan. Iyo sida oo kale, habka ay haweenka iyo carruurta ula shaqeeyaan”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker