Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Yurub Maanta Oo Arbaco Ah

Akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Arbaco ah.

 

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooJin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Sida aanu ka soo Xiganay Shabakada Laacib.net ayaa Sheegaysa  in suuqa Kala Iibsiga Cayaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Laacib kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

Real Madrid ayaa dooneysa inay ku darto Gareth Bale oo 29 sanno jir ah heshiiska ay ku dooneyso xiddiga khadka dhexe ee Man United iyo France Paul Pogba oo 26 sanno jir ah. (Daily Mail)

United ayaa ku qasban inay Leicester City siiso in ka badan 90 milyan ginni si ay u hesho Harry Maguire taasoo ka dhigeysa 26 jirkaan daafaca ugu qaalisan taariikhda kubada cagta. (Telegraph)

Maguire ayaa daneynaya inuu u wareego kooxda ay Man United xafiiltamaan ee Manchester City madaama uu doonayo inuu ka ciyaaro Champions League/ (Daily Express)

Kooxda Derby County ayaa ku bedeli doona tababaraheeda ku sii jeeda Chelsea Frank Lampard xiddigii hore ee Barcelona iyo Netherlands Philip Cocu kaasoo ka tagay Fenerbahce sannadkii hore. (The Guardian)

Manchester United ayaa dalab ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee 21 jirka reer Spain Dani Olmo kaasoo u ciyaara kooxda Dinamo Zagreb. (Daily Mail)

Crystal Palace ayaa ku adkeysaneysa inaysan ka iibinin doonin xiddiga garabka ka ciyaara ee Ivory Coast Wilfried Zaha kooxda Arsenal, waxaana ay ka careysan yihiin iskudayga Arsenal ee ay ku qalqalgelineyso mustaqbalka Zaha ee Palace. (Daily Mirror)

Daafaca Bournemouth iyo xulka Netherlands Nathan Ake oo 24 jir ah ayay u badan tahay inuu u saxiixi doono Manchester City xagaagan. (L’Equipe)

Atletico Madrid ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka reer France ee kooxda Arsenal Alexandre Lacazette si ay ugu bedelaan weeraryahanka ku sii jeeda Barcelona ee Antoine Griezmann. (Daily Mirror)

Barcelona ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada u imaanaya daafaca 25 jirka ah ee Faransiiska Samuel Umtiti kaasoo diirada u saaran Manchester United. (Sport)

Manchester United ayaa dooneysa inay faa’ideysato qaska ka jira koxda Newcastle oo ay la soo wareegto xiddiga 21 jirka khadka dhexe ee Ingariiska Sean Longstaff. (Chronicle)

Chelsea ayaa ogolaatay qandaraas muddo dheer ah oo ay ka saxiixeyso xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska Ruben Loftus-Cheek oo 23 sanno jir ah. (Telegraph)

Daafaca Arsenal Laurent Koscielny oo 33 sanno jir ah ayaa waxaa dooneysa kooxda Faransiiska ee Bordeaux. (L’Equipe)

Xiddiga Barcelona iyo xulka France Ousmane Dembele ayaa doonaya inuu sii joogo Camp Nou inkastoo ay xiiseynayaan Liverpool iyo Bayern Munich. (L’Equipe)

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker