Dawladda IIRAAN Ayaa Masuuliyadda Markab Shidaal Oo Shalay Lagu Weeraray Biyaha Badda Cas Ku Eedaysay Dawladda Sucuudiga

Dawladda IIRAAN,ayaa ku eedaysay Dawladda Sucuudi Carabiya inay ka denbayso Markab Shidaal oo ay leedahay Kaas oo marayay Biyaha Badda-cas oo 95 KM Caasimadda Sucuudi Carabiya ee RIYAADH.

Shirkadda Saliidda ee Dalka IIRAAN ee Magaceeda loo soo gaabiyo NIOC,ayaa sheegtay in labo Gantaal lala beegsaday Markabka,taas oo keentay inuu soo gaadho Khasaare Saliidii uu Markabku siday.

Cabaas Musaafi,Af-hayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda IIRAAN,waxa uu hoosta-ka-xariiqay inay Mudooyinkii u danbeeyay ay Jirtay Beegsasho Danaha dhaqaale ee ay Dawladda Iirraan ku leedahay Gobolka Bariga Dhexe,waxaana uu intaas ku daray inay baadhitaano Hor leh ku samayn Doonaan Gacmaha kale ee ku leh Beegsasashadda Danaha IIRAAN ee Gobolka.

Ilaa hadda Dawladda Sucuudigu kama hadal Eedda IIRAAN ee La Xidhiidha inay Ku Lug leedhaay Weerarka Lagu qaaday Markabkeeda Saliidda ee loo yaqaano SABITI,kaas oo haatan la sheegayo inuu ku sugan yahay Biyaha Gacanka.

Sawiro Laga soo qaaday Markabka oo uu baahiyay Tv-ga Dawladda Kacaanka Iiiraan,ayaanay Muuqan Khasaare weyn oo ay Labadda Gantaal gaadhsiiyeen Markabka,inkasta oo markii hore uu sababay in qeybo ka mid ah Saliidu Biyaha Badda ku daataan,taas oo markii danbe la xakameeyay.

Dawladda Iiraan iyo SUCUUDIGA,ayaa waxa ka dhexeeya Dagaal-qabaw Muddo sannado badan ah,haatana waxay si weyn ugu loola mayaan Dalka YAMAN,halkaas oo ay IIRAAN Taageerto Kooxaha Xuutitiinta oo dhawaan sheegtay Masuuliyadda Weeraro lagu qaado Shirkadaha SHidaal safaynta ee Sucuudi Carabiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker