Magaalo Soomaaliyeed Oo 24 Saacadood Gudahood 100 qof Ugu Geeriyoodeen Cudurka COVID-19

Dadka xanuunka COVID-19 ugu dhimanaya magaaladda Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa si weyn u korortey, waxaana jirta tiro dad ah oo uu dhintay xanuunkan 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tirada dhimashada ayaa saraakiisha gobolka ay ku sheegeen inay gaartay 100, iyadoo Wasaaradda Caafimaadkuna ay walaac ka muujisay.

Boqolaal kale oo la ildaran cudurkaas ayaa la soo sheegayaa in xaaladooda lagula tacaalayo goobaha Caafimaadka ee Magaaladaas, kuwaasoo u badan dad da’ ah.

Maamulka Gaarisa ayaa baaq deg-deg ah u diray xukuumadda dhexe, iyagoo dalbanaya inay u soo gurmato, ayna gabaabsi yihiin Ogsijiinta iyo waxyaabaha kale ee looga hortago cudurkan.

Gaarisa ayaa noqotay magaaladii ugu horeysay dhulka Soomaalidu degto ee 24 saac gudahood uu Covid-19 ku dilo ku dhowaad 100 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker