Mudaaharaadyo lagu xusayo sanadguuradii ka soo wareegtay geeridii arday Iiraani ah oo waddamo kala duduwan ka dhacday

Dhimashada Mahsa Amini 16kii Sebtembar 2022 ka dib markii ay xireen booliska anshaxa ee Iran ayaa kicisay mudaaharaadyo ka duwan sidii waddanku hore u arki jiray.

Si loo xuso sannad-guurada ka soo wareegtay geerideeda, kumannaan qof oo adduunka oo dhan ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay mudaaharaad uga dhigaan.

Ms Amini aabaheed Amjad ayaa waxaa xiray Ilaalada Kacaanka Iran, iyagoo uga digay in uu xuso sanadguuradii dhimashada gabadhiisa – sida ay sheegeen kooxaha xuquuqul insaanka oo ay ku jiraan kooxda taageerta Kurdiyiinta ee Hengaw, iyo kooxda xuquuqda aadanaha Iran ee fadhigeedu yahay Norway. Balse markii dambe waa la sii daayay.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee IRNA ayaa beenisay arrintaasi, waxayna markii dambe sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka fashiliyeen isku day lagu dili rabay Amjad Amini.

Gabadhan ayaa xabsi ku dhimatay kadib markii booliska anshaxa ay u xireen inay si khaldan u xiratay xijaabkeeda.

Dibedbaxyada xiligaas ka dhashay geerida Mahsa oo lagu eedeeyay laamaha amniga ee dalkaas ayaa muddo todobaadyo ah ka socday Iran, waxaana ay gilgileen xukuumadda awoodda badan ee dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker