Odey Aakhiro Cimri Jooga oo Cunfi & Qabyaalad & Cay & Aflagaado, isaga Laf Jab oo Ciqaab Aduun & Cadaab Aakhiraba ku ah intaa la taagan ….

Dhalinyarada ayaa FaceBookyada intaa ku mashquulsan, laakiin Odey weyn oo Cali Gurey oo kolkuu hadlayo
ama qoraalo soo dhigo aad moodo midka keliya, ee wax yaqaana, ama aan cidi u jawaabi karin, ama run
sheega.
Laakiin hadaladiisa qof cay, Reer cay, hanjabaad & wax iga qaadi kara,, waxa krtey wuxuu Xukuumadii Siilaanyo
uu odhan jirey ee cay laf jab xiitaa haweenka uu gaadhay, oo ku faani jirey car wakaas ee Siilaanyo hay xidho.
wuxuu Siilaanyo & Wasiiradiisii uu isir & Abtirsiimo ku caayi jirey, een xishood waayeelnnimo, mid bani,aadnimo
& Mid Islaanimo inta ka baxsan isagoo odey weyna oo Madaxu wada caaday uu warbaahinta la taagnaa.
Cali Gurey wuxuu umada isla hor taagey inuu Muuse Biixi Reernimo & adeernimo uu ugu hiilinayo, oo weliba
cidii wax ka sheegta uula dagaalami doono oo uu Berbera & Saaxil uu kaga andacoodey Berbera ayaan ka ridayaa.
Hadaba, Odeyga Cali Gurey waxaan Caruurta & Dhalinyaradu ku hadal ka xishoodaanm, oo Cunfi, Qabyaalaf & kala
fogeyn Umada oo Reernimo ayuu u caayaa wax garadkaย  Beelaha kale ee Somaliland, ee ka cawda Muuse Biixi isagoo
ka gubta oo kolkaa si caadifaysan oo Qabyaalad xun oo dhuuxa & Lafta kaga jirta u hadla, una difaaca Muuse Biixi oo
indha la,aan & Dhega lanaa, Umadii ka cabatey, Cadaalad Darada & Qabyaalada Muuse uu kolkaaba dhakhso qoraal
u soo dhigo Facebook isagoon dersin waxa laga cawdey, ee Qabyaaladaa fooshan xun uu ku difaacayo Muuse Biixi.
Sidaas Darteed, Cali Gurey Siyaasi ayuu sheegtaa, Mujaahid ayuu sheegtaa, Muuse Biixi tii laga dagaalamay ee uu ku
sheegto ali Gurey Mujaahid tu ka xun ayuu sameeyey, oo qabyaalad, Reernimo, Eex oo ah taa uu Caare ka baxay
kolkuu dhisey ukuumad Reerkiisa ah, Taliyihii, Maxkamadii, warfaafintii, gaadiidkii, Madaxtooyadii, Hanti-dhawrihii
Maareeyihii Dekeda, Biyihii Hargeysa & Duulistii, & qaar kaloo Badan, & weliba Reerka ay hagbada wada galeen ee
siilaanyo ka soo jeedo.
Hadaba, shicibka cadaalad daro ayey tirsanayaan, oo cid kastaa og oo Caare uu u baxay, kolkaa Jamaal cali oo isba
qabyaaladu halkaa dhigtey oo geeliisu uu u galay Muuse biixi isku Reer ayaanu nahayn, oo Qabyaalad isba ugu olol-
eeyey Muuse Shaani ayuu hadana Cali Gurey ku andacoodey ileyn waa Odey Buka oo Qabyaalad & Cunfi la xanuusan-
aya ee muxuu amaal u yidhi Cadaalad daro wey jirtaa, oo Caare waan ku raacsanay cadaalad darada uu u baxay.
Kolkaa Cali Gurey Qabyaalada xun ee Cudurka ku noqotey ee uu la xanuusanayo, ee kolkaaba intey Maskaxdu
dhaqaaqdo uu qoraal cay & Aflagaado soo dhigaypo, Odayaw adigey kuu daran tahay, ee ciil haw u dhiban, Cadaab
Aakhiro & Cuqdad Aduun ayaad shaqaynaysaa, ee cidna Cunfiga & Cuqdada caloosha kaaga buuxda cidna waxba ku
yeeli maysid adiguun baa u dhiman.
qoraalkan waxa igu kelifey Odey weyn oo ciraystey, oo Cunfi & Cuqdad Qabyaaladeed, la taagan Warbaahinta oon
xishood Aduun & Xisaab aakhiro midna ku xisaabtamayn, Ilaahaw Cirada Cali Gurey aanay Waayeelka kale aanay
noqon mid cunfi & Cuqdad uuga soo baxda, ee noqota mid cabsi & cibaado Alle & isu keen & wanaag ka shaqaysa.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker