War cusub oo ku saabsan doorashada Puntland ayaa kasoo baxay Garaadada Khaatumo

War kasoo baxay Garaadada Khaatumo ayaa lagu sheegay dhowr qodob oo ay ku muujinayaan inaysan ka qayb qaadan doonin doorashada Puntland ee dhacaysa siddeedda Janaayo.

Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo u hadlay Garaadada reer Khaatumo ayaa sheegay in:

1.Aysan jirin xildhibaano ay u dirayaan si ay uga qayb qaataan doorashada Puntland

2.Aysan jiri doonin cid matalaysa reer Khaatumo oo ka qayb qaadan doonta ama isu sharrixi doonta doorashada.

3.Ay ugu baaqayaan in labada xubnood ee ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka Puntland ee kasoo jeeda Khaatumo in ay is casilaan

Garaad cabdisalaan oo sheegay in qodobadani ay kasoo bexeen kulamadii u dambeeyay ee masuuliyiinta iyo waxgaradka reer Khaatumo ayaa sheegay in ay u furan yihiin wada hadal kasta oo kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker