Somaliland oo ka Jawaabtay Dacwad Soomaaliya ka Gudbisay Socdaalkii Madaxweyne Biixi ku Tagay UAE

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay in   Somaliland ay tahay dal madax-bannnaan oo aanay jirin wax ka hor istaagaya inay la macaamisho dalalka kale ee caalamka.

 

Baashe Cawil wuxuu sidaasi ku sheegay warbixin uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi , ayaa waxay qoreen in Wakiil Baashe Cawil uu  naqdiyey Dawladda Soomaaliya oo ka xumaatay socdaalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku tagay dhowaan dalka Imaaraadka carabta oo ay heshiisyo hore u wada galeen Somaliland,waxaanu cambaareeyey Soomaaliya oo Golaha Ammaanka u gudbisay dacwad ka dhan ah dalka Imaaraadka carabta oo ay ku haysato Socdaalkii Madaxweynaha Somaliland.

 

Wakiil Baashe Cawil wuxuu ku dooday inay Somaliland tahay waddan madax-bannaan oo sii wadaya inuu aqoonsi caalamiya ka dalbado dalalka caalamka.

 

Waxa kaloo uu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax fasax ah uga qaadaynin Soomaaliya inay iskaashi la yeeshaan caalamka.

 

“Waxaan ku celinayaa in Somaliland ay tahay waddan madax-bannaan oo leh soohdimo la aqoonsan yahay, isla markaana ay leedahay dawlad la soo doortay. Somaliland waa u xor inay cilaaqaad la yeelato dalalka caalamka ugamana baahna Soomaaliya wax fasax ah,”ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker