Saamiyada Shirkadda Boodhari Mills Oo Dib loo furay iyo Guulaha uga Soo Hoyday Shirweyne Caalami ah Oo Lagu Marti-qaaday

Abdirahman Sh Axmed Nour, Boodhari Mills speaking at the African Trade and Investment summit in Addis Ababa

Hargeysa (OWN)- Shirweynaha 2aad ee Ganacsiga iyo maalgeshiga Qaaradda Afrika, ayaa toddobaadkii hore ku qabsoomay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana shaqsiyaadka sannadkan lagu marti-qaaday ka mid ahaa Guddoomiyaha shirkadda Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur.

Shirkadda Boodhari Mills oo ah maalgeshi ay ku midoobeen qurbejoogga iyo qolqol-joogga bulshada Soomaaliyeed, ayaa wershaddii u horeysay ee lagu farsameeyo Daqiiqda ka furatay duleedka Magaalada Hargeysa Sannadkii 2021, waxaanay shirkaddu kasbatay in si gaar ah loogu maamuuso shirweynaha Africa Trade and Investment, iyadoo tusaale u noqotay sida ay Qurbe-jooggu ugu dhiirradeen maalgeshiga iyo dhismaha Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Shirkadda Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey ahmiyadda shirkaasi u leeyahay shirkadda iyo shacabka Soomaaliyeed oo ugu bushaareeyey in dib loo furay Saamiga shirkadda Boodhari Mills.

“Africa Trade and Investment Summit waa madal isu keenta ganacsadaha, hal abuurrada doonaya inay qaaradda horumar ka samayso xaga shaqa-abuurka, maalgeshiga iyo dadka raba inay dhaqaalahooda ilo wax soo kordhin kara u sameeyaan,” sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo warbaahinta Somalilandpost wax ka weydiisay muhiimadda uu shirweynaha ganacsiga iyo Maalgeshiga Afrika u leeyahay Soomaalida.

Guddoomiyaha oo ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey sababaha hormuud u noqday inay shirkaddu maamuus gaar ah ka hesho shirweynaha maalgeshiga Afrika, waxa uu yidhi, “Runtii waa guul maadaama ay dunidu indhaha ku hayso Geeska Africa, martiqaadka waxa uu yahay mid qiraya maamulka Boodhari Mills iyo Samileydu sida ay uga midaysanyihiin kobcinta dalkooda iyo dakhligooda”.

Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyey sida ay Somaliland uga faa’ideysan karto fekerka Maalgeshi ee Boodhari Mills oo nooceedu ku Cusub yahay deegaanada Soomaalida, waxa uu sheegay, “Markasta oo aad soo bandhigto nidaam maalgashi oo dunida inteeda kale fahmayso lana aamini karo, adigoo og sida dadku dunida ugu sii kordhayaan, cuntaduna daruuri tahay marwalba,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo intaas ku daray in Wax-soo-saarka Cuntada ee Shirkaddu soo jiidanayo indhaha Caalamka.

Guddoomiyaha oo ka jawaabayey haddii furitaanka xilligan ee Saamiga Shirkaddu soo dhaweynayo maalgeshayaal Caalami ah, waxa uu sheegay inay shirkaddu muhiimadda kowaad siinayso maalgeshiga Umadda Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dhabar-adayg u leeyihiin fulinta iyo hal-abuurka Ilaha dhaqaalaha.

“Maalgashiga waxa kow ka ah Ummada Soomaliyeed meel kasta ha joogaane, Ajinabigu waa gacanta labaad. Marka aan muujino isku duubni ayaa adduunku wax inagu darsan karaa.  Waa inaan ka baxnaa xaaladaha siyaasadeed ee dib inoo dhigaya,” sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Shirkadda Boodhari Mills.

Guddoomiyaha Boodhari Mills wuxuu sheegay inay tiraba dhowr jeer ka qayb-galeen shirar Caalami ah Oo maamulka shirkaddu wax-qabadkooda iyo fekerkooda maalgeshi ku soo bandhigeen kaalinta ay shirkaddoodu ka qaadanayso yaraynta baahida cunto ee deegaannada Soomaalida.

“Ka Qayb-gala Madashan iyo kuwa  mustaqbalka iman doonaba, waa xeelad ay shirkadu ka leedahay inay soo gasho radaalka dunida ee ganacsiga iyo dhaqaalaha,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur.

Gebo-gabadii, waxa uu bulshada Soomaaliyeed  ku wargeliyey in dib loo furay Saamiga shirkadda Boodhari Mills oo hore ugu guulaystay inay ka soo baxdo qaybtii ugu adkayd ee la soo maray 3 sadexii sano ee ugu danbeeyay.

Boodhari Mills oo soo saarta Daqiiqda, ayaa ah shirkad saamiley ah oo ay maal-gasheen muwaadiniin u kala dhashay Somaliland iyo deegaannada kale ee Soomaalida, ayaa noday mashruucii u horreeyey ee Qayb libaax leh ka qaata dhiirrigelinta wax-soo-saarka Dalagga iyo shaqo-abuurka dalka, iyadoo shirkaddu qayb ka noqotay qorsheyaasha qaran ah ee lagu jaan-goynayo isku-filnaanshiyaha dhinaca Cuntada.

Boodhari Mills Contacts

Website: www.boodharimills.com

Phoen: +252 63 339 1288

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker