Somaliland Oo Tusaale u Noqotay Horumarka Qaaradda Afrika iyo Doorka Boodhari Mills

Addis Ababa (OWN)- Shirwaynaha Africa Trade and Investment Summit oo lagu qabtay malaada Addiss ee Dalka itoobiya oo ay isugu yimaadeen wadamo farabadan, ayaa lagu marti-qaaday asaasasaha, ahna Guddoomiyaha shirkada Boodhari Mills ee Somaliland Cabdiiraxmaan Sheekh Nuur Axmed.

Shirkadda Boodhari Mills oo Tusaale loogu soo qaatay sida Qurbe-joogtu u dhisayaan Qaaradda Afrika iyo dalalkooda, taasi oo ka duwan qaylo dhaantii wadamada reer galbeedka ee gurmadka looga dalban jiray.

Guddoomiyaha oo shirkaa khudbad ka jeediyey, ayaa soo bandhigay saamiga shirkadda Boodhari mills oo la furay, lana maalgashan karo.

Saamigan ayaa noqonaya qaybtii ugu danbaysay,, maaddaama ay Boodhari Mills ku guulaystay inay ka soo baxdo qaybtii ugu adkayd ee la soo maray 3 sadexii sano ee ugu danbeeyay, sida uu sheegay Guddoomiyuhu.

“Afar iyo kontonka wadan ee Africa ilaa hada way soo dhoof sadaan qamadiga, inkastoo ay qaaradu ay leedhay dhul badan oo wax laga beeri karo..” ayuu yidhi Guddoomiyaha Boodhari Mills.

Guddoomiyuhua oo ka jawaabaya wax soo saarka yar ee dalaga beeraha, ayuu sheegay in la Abuuray shirkadda Roob- Roon oo ay mataano yihiin shirkadda Boodhari Mills.

Wuxuu sheegay in Roob-roon oo isticmaalaysa qalabka waa wayn ee casriga ah iyo hawl-wadeeno u gaar ah, ay hawshaa wax soo-saarka gacanta ku hayaan, iyadoo maraysa marxaladdii maalgeshiga.

Ugu dambayn, wuxuuu Guddoomiyuhu u soo bandhigay dadka ka qayb-galay Shirku inay Somaliland soo maalgashadaan, maaddaama oo ay Somaliland leedahay dhalinyaro hal abuur iyo kartiba le, dalkuna uu dihan yahay.

Sido kale, wuxuu tilmaamay in Ummadda Soomalidu meel kasta oo ay joogaan looga bartay dhaqaale abuur, aanay Soomaalidu tahay mustaqbalka Geeska Africa iyo kobcinta dhaqaalaha.

Boodhari Mills, ayaa ka mid ah Shirkadaha adkaysiga u leh xilliyada dhaqaale-xumadu jirto, maaddaama oo ay soo saarto quutal-daruuriga ay dadku u wada baahan yihiin, taasaana Maalgeshigeeda muhiim ka dhigaysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker