Qarax Ismiidaamin Ah Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Xooggan oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana jira Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo Qaraxaasi ka dhashay.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay aga-gaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo halka Qaruxu ka dhacay uu ku yaallo kontaroolka Ciidanka Nabad sugidda ee KM4, waxaana jugta qaraxa si weyn looga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkani banaadir.

 

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay ruux waxyaabaha Qarxa isku soo xiray, oo sida la sheegay gudaha u galay Maqaayad lagu magacabo Gelato Divino oo ku taalla aga-gaarka Sahal Terminal, waxaana la sheegay in goorta uu qaraxu dhacay ay ahayd mid aad u mashquul badan.

Wali lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee caawa ka dhashay Qaraxa, balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ay ku dhinteen Qaraxaasi halka Dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, inkastoo aan wali si dhab ah loo ogaan Khasaaraha haddana qaraxu waa mid khasaaro badan dhilyay.

Ciidanka amaaanka ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala aagga Qaraxu ka dhacay, waaxaana la arkayaa Ciidan farabadan oo waddada lagu soo daadiyay, kuwaasi oo dadka aan u ogolayn in ay tagaan halka Wax ka dhaceen oo aammaankeeda la adkeyay.

Gurmadka loo fidinayo dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa socda, waxaana goobta soo gaaray gaadiidka Ampulance-ta loo yaqaanno, kuwaasi oo dadka ku dhaawacmay qaraxa ula cararaya goobaha Caafimaadka, iyadoo dhaawacyada la gaarsiiyay Cusbitaalada Muqdisho.

Wali laamaha amaanku kama hadal qaraxa, mana jirto Cid ilaa hadda sheegatay Mas’uuliyadda qaraxasi, waxaana hadda xaaladdu ay tahay mid kacsan, iyadoo wali logu howlan yahay sidii la isku haleeshiin lahaa daka dhawaca ah iyo Ehaladodii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker