Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo madaxweyne Deni ku tilmaamay “keligii taliye”

Xilli xaalad is mari -waa ah ay ka taagantahay arrimaha doorashada Puntland isla markaana baarlamaanka kulankoodii maanta uu buuq hareeyay ayaa qoraal uu bartiisa Faceboog ku baahiyay gor dhaweed madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) waxaa uu ku tilmaamay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inuu caadeystay keligi talisnimo iyo awood marooqsi.

Qoraalka la soo dhigay barta Faceboogga ayaa sidaan u dhignaa:”Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil,”.

Axmed Karaash ayaa intaa ku daray in wixii dhibaato ah oo ka dhasha tillaabooyinka uu qaadayo madaxweynuhu uu dusha u ridan doono mas’uuliyadeeda.

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayaa lagu yiri qoraalka barta Faceboog lagu baahiyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker