Dad Somali ah ku Xayirnaa Sucuudiga oo Lasoo Gaadhsiiyay Muqdisho
Muqdisho (OWN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xayirnaa dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya, sidoo kalena ku dhibaateysnaa dalkaasi.
Diyaarad sidday muwaadiniintan oo gaarayey illaa 132 ruux ayaa xalay ka soo degtay garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Dadka ay diyaaraddu keentay ayaa waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur, kuwaas waqti dheer sugayey in dib dalkooda loogu soo celiyo, kadib markiii uu soo noqoshada saameeyey cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xidhay ee Coronavirus.
Sidoo kale waxaa amarka muwaadiniintaan dalka dib loogu soo celiyey bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale muwaadiintan Soomaaliyeed garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo loo xil-saaray soo dhoweyntooda.