Jaamacada Carabta Oo Shaacisay Mowqifkeeda ku Aadan Wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland

Axmed Abuu Al-Qeyd oo ah Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya Iyo Somaliland , gaar ahaan wada-hadallada dib u bilowday ee dowladda federaalka iyo Somaaliland.
Abu-Qeyd ayaa sheegay inuu ku faraxsan-yahay dadaallada sii amba-qaadida wada-hadalladaasi, isaga oo madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaciil Cumar Geelle ku ammaanay martigalinta shirkaasi oo 14-kii bishan ku qabsoomay caasimada Jabuuti.
Sidoo kale wuxuu fariin boggaadin ah u diray madaxweynaha Soomaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo uu ku boggaadiyey dadaalkiisa ku aadan wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.
Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa xusay in ay ka qeyb qaadan doonaan taageerada dadaalladaasi iyo ka midha dhalintooda.
Ugu dambeyn xoghayaha ayaa ballan qaaday in ay sidoo kale ka gacan ka geysan doonaan arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaalida.