Dhismaha Dekeda Maydh (The Maydh Jetty)

Reer Sanaag Fursadan Mar Labaadka soo martay, ma ka faaiidaysan doonaan?

Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu balaadhan uguna Hodansan Gobolada Dalka Somaliland waxaa haysta caqabado kala duwan oo curyaamiyay in laga faaiideysto Khayraadka balaadhan ee ku jira Badda iyo Berriga iyo Buuraha gobalkaas mucjisada ah oo ay ku duuggan yihiin Taariikho iyo culuun dhaxal-gal u ah Ummada Somaliland iyo guud ahaan Dunidaba.

Marka aynu hoos ugu soo degno Mawduucan dhismaha Dekeda Maydh waa mid ay ku hamiyaan Dadweynaha ku dhaqan Gobolkaasi Sanaag, waana mid ay Muhiimad weyn siinayeen Xukuumadihii kala danbeeyay ee soo maray Somaliland gaar ahaan Xukuumadihii KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo oo Mashruucan ku dartay Wajigii hore ee (SDF) Sanduuqa Horumarinta Qaranka ee socday Sanadkii 2013 ilaa 2018. Waxaa kale oo Xukuumadan KULMIYE ee Madaxweyne Muuse ee imika talada haysaa ay mar kale ku dartay Wajigan labaad ee SDF ee bilowday 2018 socona doona ilaa 2023, kaas oo imika la sii daayay afartii Mashruuc ee u horreeyay oo ay Dekeda Maydh ku jirto.

Hadaba waa maxay Sababta dib uga riday in Mashruucan Dekeda Maydh uu ku hir geliwaayo wejigii koowaad SDF 2013/2018, suurto galse ma tahay in ay reer Sanaag ay ka faaiidaysan doonaan Fursadan labaad ee imika soo martay?

Aniga oo aan ku tiigaalayn kuna talax tegayn sababta Mashruucaas ragaadisay ee uu ku hirgeli waayay xiligii loogu talo-galay oo ay nagu kaliftay in aanu ku talino waagaas in dib loogu soo riixo Wajigan Labaad ee SDF2 ee imika, maadaama uu wakhtigii hore riday murano iyo khilaafaad u dhexeeyay Wasaarado iyo ashkhaas dano gaar ah ka dhex raadinayay inay hawshaasi fusho.

Hadaba Maanta ayay Fursad kale hor timi Gobolka Sanaag oo mar kale loo Ansixiyay dhaqaalihii lagu dhisi lahaa Maydh taasi oo ka markhaati kacaysa Muhiimada ay Qaranka u leedahay Dekeda Maydh iyo helista Afaaf Dakadeed laga galo Badda si loola soo baxo Khayraadka Kaluunka iyo Nimcooyinka kale ee ku jira badda, loona helo meel uu Gobolku kaga xidhmo Gobolada kale ee Dalka.

Waxaan usoo jeedinayaa Shacbiga reer Sanaag iyo Guud ahaan Xukuumada Somaliland inay Tab iyo Taagba isugu geeyaan sidii mashruucaasi u hir geli lahaa, loogana hor tagi lahaa in ay dano shakhsi ah iyo xoolo-cirdoonimo danbe iyo is qab-qabsi Wasaaradaha dhexdooda ka abuurmaa uu mashruucaas fashiliyo. Kalsooni buuxda ayaanan ku qabaa Wasaarada Qorshaynta iyo Xukuumada Somaliland inay hawshaas fulinteeda dhexda u xidhan doonaan.

Ugu danbayn aad ayaan ugu faraxsanahay in aanuu Mashruucaas muhiimka ahi ka lumin reer Sanaag ee mar kale fursad loo siiyay dhisida Dekeda Maydh. Waxaan aad ugu Mahadnaqayaa Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Masuuliyiinta Xafiiska SDF ee hawshan u hir geliyay sidii ku talo-galku ahaa.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker