Ra’iisul Wasaaraha Kheyre Oo Kulan La Yeeshay Ganacsatada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kulan xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Kulanka Ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ganacsatada oo uu goob joog ka ahaa wasiirka ganacsiga, ayaa looga hadlay muhiimmadda u diyaar garoowga sidii ay ganacsatadu ula jaan qaadi lahaayeen maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee dalka ku soo wajahan, kadib xaqiijinta himilooyinka Tubta Hurumarinta Dhaqaalaha.

 

“Ganacsatadeennu waxa ay ku soo shaqeeyeen xilli adag, sidaa darteed waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay ilaalinta ganacsigooda. Xukuumaddu waxa ay diyaarineysaa dhammaan sharciyada damaanad qaadaya hor-tebinta shirkadaha waddaniga ah”, ayuu yidhi ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

 

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysa horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha, si taa looga dhabeeyana dawladdu waxa ay horay u qaaday tallaabooyin muhiim u ah oo ay kamid tahay dar-dar gelinta shaqooyinka Tubta horumarinta dhaqaalaha.

 

Himilooyinka Tubta Horumarinta dhaqaalaha hal-beegyada ugu waawayn waxaa kamid ah ka guul gaaridda qorshaha dayn cafinta taas oo fudayn karta kobac dhaqaale oo ballaaran iyo maal-gashi shisheeye, oo ay ka abuurmayaan fursado shaqo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker