Burburkii Somaliya iyo Masuuliyadda Taariikhiga Ah. W/Q: Cabdi Cali Jaamac
Waxan arkayay maalmahan video-clips ka warramaya xilligii kacaanka, oo aad mooddo in dadka la doonayo in ay u hilobaan waagii kacaanka; bal aan qormadan kooban ku lafo guro sida ay wax ahaayeen.
Sidee loo akhriyaa taariikhda marka la qiimaynayo hoggamiye; waxa la eegayaa barta uu kula wareegay hoggaanka iyo barta uu kaga tegay; Siyad Barre, Somali oo is-jecel, oo dawlad mid ah leh, oo nabad ah; oo dimuqraadii ah ayuu la wareegay hoggaanka; wuxuna ka tegay iyadoo is-nacday; oo dawladdii dhexe burburtay, dadkii oo qaxay, dalkii oo burburay iyo dadkii oo birta iska aslaysa, oo u jabay cadawgooda iyo nacabkooda; aan kuu soo koobo sida loo akhriyo taariikhda hoggaamiye, ma maqli jirtay ilaahow khaatumada kheyr noogu khatin; waxa laga eegayaa uun khaatumada; maxay ahayd khaatumadii Siyaad Barre?
Marka qof qof loo xisaabtamo, siyad Barre ayaa iska leh masuuliyadda burburka Somalida; marka la isu qaybiyo ciidan iyo shicib, askarta ayaa iska leh masuuliyadda burburka; gaar ahaan kooxdii Golaha Sare ee Kacaanka; marka la isu qaybiyo rag iyo dumar, ragga ayaa leh masuuliyadda; marka la isu qaybiyo dhallin iyo waayeel, waayeelka ayaa iska leh masuuliyadda; marka la isu qaybiyo qabaa’il sida Daarood iyo inta kale, Daarood ayaa iska leh masuuliyadda burburka.
Qabiilku waa mid ka mid ah uun wajiyada ummadda loo eego, laakiin isagu wuu ka saamayn badan yahay wajiyada kale, xagga Somalida na wuxu leeyahay macne siyaasadeed, mid taariikheed iyo mid dhaqan dhaqaale oo ka saamayn badan wajiyada kale isla markaan wuxu leeyahay dareen nafsi ah oo ka qoto dheer kuwa kale.
Haddaba, kooxahaas aan soo sheegnay, waa in mid kastaa qirtaa gefka masuuliyadda burburka dawladdii Somaliyeed ee midowday 1960 kii; ragga oo dhami waa in ay xaal siiyaan dumarka; waayeelkii xilligaa wixii ka nooli waa in ay xaal siiyaan dhallinta; ciidankii xoogga dalka wixii ka nooli waa in ay xaal siiyaan shicibka; qabiilka Daarood waa in uu xaal siiyo dadka inta kale.
Isku soo xooriyoo, haddii la isla meel dhigi waayo qaladkii dhacay cidda ka masuul ahayd qudh iyo qabiil ba iyo kooxba, waa ta kowaade ma suuragalayso in hore loo socdo; waa ta labaade, haddii dawlad macne leh la dhisaba, ma jiraan wax diidaya in lagu celiyo gefkii hore ee burburka keenay; illeyn wali lama kala saarin saxii iyo qaladkii; xumaantii iyo wanaaggii; sharkii iyo khayrkii; taasi waa waxa keenay in ummaddu asqo iyo wareer ku jirto, illeyn waxay rabtaa iyadoo huursanaysa oo qarsanaysa waxaas in ay haddana iyadoo sirin-sirqaysan ay dhisto dawlad cusub; oo miyay dhismaysaa; sawdigan ka hor yimi qawaaniinta kawniga ah ee Ilaahay u dejiyay nolosha ummadaha.
Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.