Welligaa Ma Tagtay Shir-Qabiil ?

Haddiiba ay dhacdo innaad tagto shir reerkiinu leeyahay oo hadal lagu siiyo haw hadlin sidan:
“Carruurtaa ilma hebel ee agoonta hala ogaado,
Ninkii hebel ee xanuunsanaya aynu daawayno,
Qoyskaa ilma hebel way iska jilicsanyahiin ee
Wax hala taro.” Hadaad sidan u hadasho maalin
Dambe laguu yeedhi maayo, Waayo waxaad ka
Hor timi dannahii uu lahaa ninka shirka qabtay
Ee qadada iyo qaadka bixiyey. isagu wa siyaasi Xil-doon ah ama waa ganacsade lacag leh oo raba innuu qandaraas xaaran ah dawlada kaga qaato magac qabiilkan. Wuxuu kaa doonayaa
Innaad sidan u hadasho intaad giir iska kiciso
” Soomali innagaa u laandheeraysan, ugunna
Hanti badnayn, waad ogtihiinoo dagaalkii hebel
Iyo hebel waxaynu ka dhignay, ilaa maanta waa
Laga sheekeya Gabayadoodii, waa iska aakhiro samaan laysa soo gaadhayee dadkan yaryar ee
Gunta ah, ee isku keen dhararinaaya walaahi
Kamay naan guursan jirrin beryahii horre.
Waxaa nasiib darro ah in maanta dawladdii aynu soo halganey ee intas oo nin oo qiima leh innaga dhinteen, ileen dalka innagaa xorraynee,
Aynan waxba ku hayn, xil kuma hayno oo xoolo
Kuma hayno oo shaqaale kuma lehin oo xataa
Qandaraas yara kama helno, Haa isheenna laga
Arkay.” halkaasu marinaya isagoo qawlalada ka
Xumbaynaaya ileen shiidaal baa lagu shubtee.
Ujeedadaydu waa: in magaca qabiilku aanu maanta waxba tarrin mid liita mid gurmad iyo
tabantaabo u baahan oo ahba kii tolnimada
u baahnaa hadday tahay ba wax jirra. Waxaa
ku shaqaysta magaca qabiilka nin kibray oo danahiisa ku gaadha. Cuqaashii ummaddu
doortay waxay noqdeen kuwa ay ku shaqays-
-taan inta ladan, inta danta gurracan leh ee
maalintaas siin karta nolol maalmeed kooda
Oo badiba Siyaasi & ganacsade ah. Bal tijaabi
oo subax ku kalaha caaqilkiina si uu kuula
gallo arin aan hawl mooyee cun cun Ku jirrin.
i rumayso kuma raacaayo ilaa aad u sheegto in
aad u hayso QABAX ( Qaadkii iyo Qadadiiba ).
Laga yaabaa inuu ka raac haddii Aabbahaa ama Adeerkaa magac leeyahiin oo uu dan u soo yeellan karo, haddii kale ha ku sheegin !!.
hassan yousuf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker