Midawga Yurub Oo Joojiyay Socdaalka Maraykanka Iyo Shiinaha

Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday 14 dal oo Muwadiniintooda Loo arko inay badqabaaan kuwaas oo loo ogolaan doono inay qaaradaas booqdan wixii ka bilawdo Marka La Gaadho Jully, iyadoo uu jiro cudurka coronavirus. Maraykanka ,Brazil, iyo shiinaha ayaa ka mid ah dalalka laga mamnuucay inay booqdan yurub.

 

Dalalka la ogolaaday waxaa kamid ah Australia, Canada, Japan, Morocco iyo kuuriyadda koonfureed.

 

Midowga Yurub waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin in Shiinaha ay ku daraan liiska haddii shiinaha ay heshiis kaas la mid ah ay u ogolaadan dadka Yurub, diblumaasiyiinta ayaa sidaasi sheegay.

Waxaa xuduudaha la isugu furay muwadiniinta yurub ku nool ee safarada isaga dhex gooshaya, waxaase si gooni ah loola macaamila muwadiniinta UK kadib markii dalkaasi ka baxay yurub.

 

 

Liiska wadamada badqaba ayaa la filaya in dib u habeyn lagu sameeyo sida dalalka Algeria, Australia, Canada, Georgia, Japan, Montenegro, Morocco, New Zealand, Rwanda, Serbia, Kuuriyada koonfureed, Thailand, Tunisia iyo Uruguay.

 

Dawlada uk ayaa ku jirta wada xaajood ku aadan waxaa loogu yeedhay” buundooyinka hawada”oo ay la leedahay waddamo ka tirsan midawga yurub , si aan Fayraska Corona u horjoogsan fasaxa xagaaga oo ah ka ugu mashquulsan yurub isla markaana ay malaayin qof ka helaan shaqo.

 

 

Midawga Yurub ayaa isku dubaridaya hab raaca lagu mareeeynayo nidaamkan oo lagu go’aaminayo waddamada fayqaba iyo kuwa aan fayaqabin. Salaasadan ayaa la filayaa go’aanka.55% waddamada yurub ayaa saxeexay liiska oo matala 65% dadka midawga ku nool iyadoo ay jirto kala qaybsanaan waddamada qaar ayaa qaba Spain in la xoojiyo dalxiiska oo haddan raba inay digtoonaadaan waayo Covid 19 ayaa aad u sameeyey, iyo waddamada Giriiga iyo Portugal oo iyagu ku tiirsan dalxiiska lakiin aan cabsi Weyn ka qabin fayraska.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker