Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Oo Dhagaysatay Kiiska Dacwaddii U Dhaxaysay Shirkada Daallo Iyo Xisbiga WADDANI

Dacwaddii shirkadda Daallo ka gudbisay xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa fadhigeedii koowaad waxa shalay dhagaysatay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex, dacwaddaasi oo ku saabsanayd shirkii jaraa’id ee uu hore arrimaha duulinaadyada ugaga hadlay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre.


Nuxurka Dcwadda iyo dhagaysigeeda ayaa la gudo galay shalay iyada oo ay goob joog ahaayeen qareennada labada dhinac, labada dhinac ee dacwaddaani ka dhaxayso iyo daneeyayaal kale oo goob joog ahaa.
Markii fadhigasi koowaad laga soo dareeray waxa warbaahinta la hadlay Xoghaye Xamse Cabdiraxmaan Khayre waxaanu yidhi: “Dacwaddani waxa ay ka dhalatay shir jaraa’id oo aan kaga hadlayay duulimaadyada oo aan kaga hadlayay hay’adda duulimaadyada qaranka ayay shirkadda Daallo ka soo dacwootay. Waxa ay dacwadda soo gudbisay shirkaddu dabayaaqadii bishii tobnaan, waana Dacwad madani ah. Waxa aan aniguna ka jawaabay kiiskaasi laba iyo labaatankii Bishii kow iyo tobnaad ayaan aniguna jawaab celin ka sameeyey. Maanta (shalay) oo ay bishu ahayd siddeedna waxa qabsoomay fadhigii koowaad ee dacwadda. Maxkamadda ayaa labadii dhinacba dhagaysatay marka hore dacwaddii ay qabeen ayay u furtay markii xigtayna jawaabtayadii ayaa la dhagaystay. Labadii dhinacna sidaasi ayaa la isugu keenay oo ay qolo walba dooddoodii dhagaysatay maxkamaddu. Dhinacayagii waxaanu samaynay is hortaag wax la yidhaa. Maxkamadda ayaan sugaynaa in ay go’aan ka soo gaadho dhagaysiga dacwaddaasi. Waxa aan halkan uga mahad celinayaa oo maxkamadda ila joogay xisbiyahanno Marwo Milgo oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga iyo sidoo kale guddoomiye ku xigeenka kale Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje, xoghayayaasha ay ka mid yihiin Ibraahim Boos, Xoghaye Axmed Shukri, xoghaye ku xigeenno Ilkacase, Cabdirashiid Geelle, Filsan, Ifraax Xiis oo xisbiga WADDANI Gobolka Maroodi Jeex ka socota xisbigii oo dhammi meesha ayuu joogay saaka, waxa aan u mahad celinayaa qareenkaygii Xuseen Shabeel. Dooddayadii si wacan buu qareenkayagu u gudbiyey waxaanan sugaynaa xukun caddaalad ah oo ay maxkamaddu soo saarto” ayuu yidhi Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker