Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Jabuuti iyo Qodobada maanta laga wada-hadlay
Jabuuti (OWN) – Wada-hadalladii u dhexeeyey Ergooyinka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta mar kale la isugu yimid maalintii saddexaad ee Shirka Magaalada Jabuuti.
Wada-hadallada ayaa ay u socdaan guddiyo farsamo oo ka kooban 14 xubnood oo labada dhinac ah, waxaana goobjoog ka ah madaxda sare ee labada dhibac iyo dowladda Jabuuti oo iyadu Gogosha dhigtay .
Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caalamiga ah ee Oodwaynemedia , Wada-hadallada guddiyada u socdo ayaa ah kuwa albaabada u xidhan yihiin isla markaasna ay qeyb ka yihiin diblomaasiyiin kasoo jeedo dalka Mareykanka.
Qodobada ugu muhiimsada oo ay labadaan guddi ka wada hadlayaan waxaa ka mid ah:
1) – Iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo Dawlada Somaliland
2) – Fududeynta is dhaafsiga Ganacsiga
3) – Sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen amniga, gaar ahaan la-dagaalanka argagixisada.
4) – in la joojiyo dacaayadaha ay labada dhinac isku mariyaan saxaafadda, islamarkaana laga shaqeeyo xasilooni.
5) – in dib loogu noqdo heshiisyadii hore oo ay kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, lana fuliyo kuwooda ugu muhiimsan.