Dal Israa’iil xiriirka diblumaasiyadeed u jaray iyo kuwa kale oo safiiradooda u yeertay
Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay xiriirka diblumaasiyadeed ay u jartay Israaโiil, iyadoo sababtana ku sheegtay โweerarada gardarrada ah ee aan loo meel dayin ee ay Qasa ku hayso.
Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Bolivia Freddy Mamani ayaa wariyaasha u sheegay in goโaankoodu yahay in ay ku cambaareeyeen Israaโiil weerarada gardarrada ah ee milatarigeedu ku hayo Marinka Qasa.
Hoggaamiyaasha Colombia iyo Chile ayaa iyaguna safiiradoodii u fadhiyay Israaโiil u yeertay sababo la xiriira duqeymaha iyo weerarada Israaโiil ay ka gaysanayso Qasa.
Madaxweynaha dalka Chili Gabriel Boric Fonts ayaa bartiisa X, ku sheegay in dalkiisu uu si xooggan u cambaareynayo isla markaana aan wax la aqbali karin ay tahay xadgudubyada bini aadanimo ee halkaa ka dhacaya?
Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa isna bartiisa X, ku baahiyay โhaddii Israaโiil aaney joojineynin xasuuqa Falastiiniyiinta halkaa ma sii joogi karno,โ.