Madaxweyne Mustafe Cagjar oo u hanjabay shaqsiyaad Soomaali ah oo u gacan haatinaya TPLF

Madaxweynaha dowlada degaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay ineysan u dulqaadan dad uu sheegay iney hoosta kala jiraan, una gacan haatinayaan Jabhada TPLF.

Mustafe Muxumed Cumar ayaa hadalkan ka jeediyey isu soo bax ka dhacay magaalada Jigjiga oo looga soo horjeeday Jabhada TPLF

โ€œTPLF waxa ay ka been sheegtay dastuurka dalka, waxa ay ahayd koox dadka gumeysata; waxaana ina xukumayey saraakiisheedaโ€ ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe.

โ€œNidaamkii ku dhisnaa kala-sarraynta, dhaca, kufsiga iyo xasuuqa ayey rabaan in ay mar kale soo celiyaan, laakiin taasi ma ahan mid ay aqbali doonaan shacabka Deegaanka Soomaalidu. aniga oo ku hadlaya afka xukuumadda iyo midka shacabka waxa aan idiin xaqiijinaynaa in si cad aannu ula dagaallami doonno argagixisada TPLFโ€ ayuu intaas ku daray Mustafe Muxummed Cumar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker