Waa imisa Tirada xildhibaanada Ahlu Sunna looga ogolaaday baarlamaanka Galmudug
Dhuusamareeb (OWN) – Shabakadda Oodwaynemedia ayaa ogaatay xog ku saabsan heshiis ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ka gaadheen khilaafkii ku saabsan tirada xildhibaanadii ay dalbatay Ahlu Sunna.
Sida illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay Shabakadda u xaqiijiyeen, Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Ahlu Sunna u ogolaatay inay Baarlamaanka Galmudug ku yeelato ilaa 30 xubnood kadib kulamo xasaasi ah oo Dhuusamareeb ku dhex maray Ahlu Sunna iyo Ra’isulwasaare Kheyre oo hadda ku sugan Baydhabo.
Ahlu Sunna ayaa markii hore dalbatay in Baarlamaanka Galmudug laga siiyo 50% oo ah kala bar Xildhibaanada Galmudug oo noqonayo 89 Xildhibaan balse waxaa arrintaas ka hor timid dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa Ahlu Sunna markii hore usoo bandhigtay inay Xildhibaanada Galmudug ka qaadato 15 Xildhibaan taasoo ay si weyn uga hor timid Ahlu Sunna.