Fannaanka Kanye West Oo Laga Xayiray Boggii Instagramka Iyo Sababta?

Shirkadda Meta ayaa xayirtay akoonka Instagram-ka ee fannaanka Mareykanka ah ee Kanye West muddo 24 saacadood ah, kaddib markii uu hadal cunsurinimo ku yiri majaajiliistaha Trevor Noah.

Bartiisa Instagram-ka, Kanye waxa uu uga jawaabay dhaleeceyn uga timid majaajilaystaha Trevor Noah ee la xiriirta hab-dhaqanka fannaanka ee ku wajahan xaaskiisa hore, xiddigta caanka ah ee Kim Kardashian, kaas oo Noah uu ku tilmaamay “Arrin fool xun”.

Noah ayaa Kanye West ku dhaleeceeyey faallooyinka uu sida joogtada uga soo qoro Kardashian, carruurtiisa iyo seeyga hadda qaba ee Pete Davidson.

Meta, oo ah shirkadda iska leh Instagram-ka, ayaa sheegtay in Kanye uu ku xad-gudbay xeerarka u dagsan shirkadda iyo sidoo kale shuruucda uga taal aflagaadada.

Inkasta oo akoonkiisa Instagram-ku uu wali muuqdo oo shaqaynayo, haddana Kanye West wax faallo ah kuma qori karo , mana diri karo farriin toos ah.

Qoraal uu dhawaan soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayaa Kanye West wuxuu xaaskiisii hore ee Kardashian ku eedeeyey in ay ka diiday in uu arko carruurtiisa – taas oo xaaskiisii hore ay beenisay.
Qoraal ay soo saartay shirkadda Meta ayay ku sheegtay in ay qaadayso “tallaabooyin dheeri ah” haddii ay aragto xadgudub kale oo dhan ah xeerarka u dagsan.

“Sida caadiga ah waxaan tillaabooyin dheeraad ah ka qaadnaa akoonnada ku xad-gudbay xeerarkeena annagoo xayirna barahaas,” ayay shirkaddu intaas ku dartay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker