Ninkii Oromada Ahaa Ee Hargeysa 20-sanno ku xidhnaa oo 15-kun-dollar lagu Wareejiyay
Samafale Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon, guddoomiyaha Kaalme-kuwan, ayaa lacag dhan shan iyo toban kun oo dollar guddoonsiiyay, Maxamed Muuse Gamteesa, oo ahaa maxbuus muddo 20-sanno ah ku xidhna xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Cabdimaalik ayaa sheegay in lacagtan lagu soo hagaajiyay kaalme kuwan, oo ah barnaamij warbaahineed Samafal ah.