Nin Weerar Ku Qaaday iimaamka Masjidka barakeysan ee Xaramka Oo Booliska Qabteen
Booliska u xilsaaran amniga Masjidka barakeysan ee Xaramka ayaa gacanta ku dhigay Nin weerar ku qaaday mid ka mid ah Iimaamyada Masjidkaas oo shalay akhrinayey Khudbada Jimcaha.
Eedeysanaha ayaa la qabtay, ka hor inta aanuuย gaadhin Minbarka uu iimaamku ka jeedinayey Khudbadda Jimcaha sida ay faafisay Wakaalladda Wararka Sacuudiga .
Iimaamka la damacsanaa in la weeraro ayaa lagu magacaabaa Sheekh Bandar Baleelah, waxaana la sheegay inaanuuย hakinin khudbadiisa intii lagu howlanaa qabashada ninka weeraray.
Lama oga illaa hadda sababta ninkan ku kaliftay inuu weeraro Imaamka masjidka Xaramka, Booliska sacuudigana illaa hadda wax faahfaahin ah kama bixinin dhacdadan.
Halkan hoose ka daawo
https://www.youtube.com/watch?v=dAR6O1dkZJc