Askarta dumarka ah ee Israel oo laga mamnuucay inay ilaaliyaan xabsiyada xiriir galmo awgii

Dumarka askarta Israel ayaa laga mamnuucayaa inay noqdaan ilaalada xabsiyada sare ka dib markii lagu eedeeyay inay galmo la sameeyeen maxbuus Falastiini ah.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in askari ay qiratay in ay xiriir jireed la yeelatay nin Falastiini ah oo la sheegay in uu geystay weerar halis ah oo lagu qaaday dad rayid ah oo Israa’iiliyiin ah.

Haweeneyda ayaa loo maleynayaa in ay ku jirtay shaqada milatariga soo qasab ku ah inta badan Israa’iiliyiinta.

Dumarku waa inay shaqeeyaan ugu yaraan laba sano, halka ragguna ay ku qasban yihiin shaqa milatari oo 32 bilood ah.

Lama sheegin magaca askariga iyo maxbuuska xabsiga lagu xukumay midna.

Maxkamada dhageysatay kiiskan ayaa amartay in faah faahin kale oo ay kamid tahay goobta uu ku yaalo xabsigu aan la shaacin.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in intii su’aalaha la weydiinayay, haweenayda oo la xiray ay sheegtay in afar dumar ah oo kale ay sidoo kale xiriir hoose la yeesheen isla ninkan.

Maxbuuskii Falastiiniga ahaa ayaa laga soo wareejiyay qolkii uu ku jiray oo loo wareejiyay meel gooni ah ka hor inta aan su’aalo la weydiin, Adeegga Xabsiga ee Israa’iil (IPS) ayaa sidaasi yiri.

Jimcihii, madaxa IPS Katy Perry iyo Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben-Gvir ayaa ku dhawaaqay in haweenka askarta ah aysan sii ahaan doonin ilaalada xabsiyada ammaankoodu sareeyo ee ay ku hayaan “argagixisada” Falastiiniyiinta.

Warbaahinta Israel ayaa ka soo xigatay Ben-Gvir isagoo leh badhtamaha sanadka 2025 “ma jiri doono hal askari oo dumar ah oo ku sii jiri doonta qaybaha maxaabiista ammaanka”.

Waxaa jiray baaqyo isdaba joog ah oo ku saabsan in la joojiyo adeegga dumarka u adeega maxaabiista ku jira xabsiyada Israa’iil ee si weyn loo ilaaliyo. Si kastaba ha ahaatee, tani waxay u hakatay in la waayey shaqaale kale oo lagu bedalo.

Sannadkii hore, wasiirrada Israa’iil waxay amar ku bixiyeen in baadhitaan la sameeyo ka dib fadeexad ka dhacday mid ka mid ah xabsiyada oo lagu eedeeyay falastiiniyiin dambiilayaal ah inay u galmoodeen oo ay kufsadeen haween askar ah oo ka mid ahaa ilaalada xabsiga iyo in qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee xabsiga ay “kufsadeen” askarta

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker