Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay in shirka wadatashiga uu furmay

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id galabta qabtay ayaa sheegay in shirka uu furmay, isla markaana ay dowlada ugu baaqeyso Madaxda Jubbaland iyo Puntland ay ka soo qeybgalaan shirka maalinta berri oo uu sii socon doono shirka.

Wasiirka warfaafinta ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in kulanka maanta uu ahaa mid hordhac ah oo la isku soo dhowaada uuna dhamaaday qeybtii hore ee ajandaha.

Shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ahayd inay ka soo qeybgalaan madaxda dowlada federalka,dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaan qabsoomin kadib markii ay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay diideen inay ka soo qeybgalaan kulankan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker