Gumaadkii, Dabar Gooyntii Iyo Xasuuqii Loo Gaystay Beelaha Isaaqa Yaa Looga Xaajoonayaa?????!!!!!.

Ummad Balaadhan Oo Muslim Ah Oo Weliba Ehlu Sunne Ah Oo Wadanka Ay Degan Yihiin Tiro Ahaan Ka Ah 75% Somaliland British Oo Xoriyadda Ka Qaatay Wadanka Ingiriiska Ama U.K. ?? Oo La Midoobay Wadankii Xoriyadda Ka Qaatay Talyaaniga Ama Italy ??
Somaliland Italian 1 Julay 1960, Midoowgii Madoobaa Ee Ay Wada Galeen Somaliland British Iyo Somaliland Italian Wuxuu Keenay 31 Sano Xasuuq, Gumaad Iyo Dabar Gooyn Lagu Hayay Beelaha Isaaqa Waayeelkooda, Odayaashooda, Madaxdhaqameedkooda, Gadh Madoobahooda, Dhalinyaradooda Iyo Haweenkooda Oo Weli Aanay Ka Garaabin Xukuumaddii Jamhuuriyadda Soomaalida Ee Caasimadeedu Ahayd Muqdisho Oo Masuuliyiintii Xasuuqa Gaystay Oo Qaarna Geeriyoodeen, Qaarna Nool Yihiin, Kuwa Noolna Marka La Yidhaahdo Waa Maxay Sababta Dayuuradaha Dagaalka Intay Hargaysa Ka Kacaan Haddana Xasuuqayay Shacabwaynaha Hargaysa, Gabiilay, Alay Baday, Arabsiyo, Caabuda, Biyooley, Burco, Beebera, Caynaba, Gar Adag, Ceel Af Wayn, Xiis Iyo Ceerigaabo ????!!!!.
Waxay Ku Andacoonayaan Wadankaanu U Dhaaranay !!!!, Wadanka Haddii Aad U Dhaarateen Oo Aad Leedihiin Cadoowgiisii Ayaa Magaalooyinka Soo Galay Oo Ka Dhex Dagaalamaya !!!!!!!, Miyaanay Haboonayn In Ciidamadiina Milateriga, Ciidamadiina Badda Iyo Ciidamadda Cirka Oo Adeegsanaya Hubka Lidka Dayuuradaha Iyo Dayuuradaha Dagaalka Ee Wax Duqeeya, Dagaalku Ku Eekaadaan Ama Duqeeyaan Goobaha Jabhadda SNM Ka Dagaalamayso Ama Gabaadka Ka Dhiganayaan Balse Xukuumaddii Milateriga Ahayd,?Saraakiishoodii Kala Duwanaa Iyo Ciidamadoodii Dhulka, Cirka Iyo Badda Ama Xeebaha Waxay Dhaartii Ay U Dhaarteen Qaranka Jamhuuriyadda Soomaalida Waxay Ku Bedeleen Inay Xasuuq, Gumaad Iyo Dabar Gooyn Isir Ama Qabiil Aanay U Kala Soocnayn Culimaaudiin, Ciroole, Waayeel, Dhalinyaro, Dumar, Caruur Iyo Curyaamin Oo Inta Ay Xasuuqeen Xukuumaddii Milateriga Ee Muxammad Siyaad Barre Ay Gaadhayso Konton Kun, Dhaawacuna Uu Kor U Dhaafay Boqol Kun Oo Qof, Shacabwaynaha Deegaamadooda Ka Qaxayna Gaadhayeen Laba Milyan Oo Qof Kuwii Xasuuqa Gaystay Iyo Kuwii Ay Isku Caqliga Ahaayeen Halkii Ay Odhan Lahaayeen Somaliland British Yagoo Xoriyadooda Qaatay Oo Raadinaya Shan Soomaali Ayay Xoriyadooda Inoo Keeneen Oo Aanay Shuruud Inoogu Xidhin Waxaynuna Ugu Abaal Gudnay Xasuuq, Dhaawac, Guryahoodii, Hantidoodii Iyo Deegaamadoodii Oo La Burburiyo Oo La Gubo Go’aanka Inoo Banaani Waxa Weeyaan Inaynu Aqoonsano Somaliland Oo Xasuuqii Aynu U Gaysanay Qofkasta Oo Aynu Kibir Iyo Kama Ku Dilnay Aynu Bixino Qofkasta Toban Magood Oo Geel Ah, Inta Dhaawaca Ahna Qofkiiba Lagu Xakho Oo La Siiyo Toban Qof Xakhooda Insha Allaah,
Daynta Soomaaliya Lagu Leeyahayna Aan
Lagu Darin Qaybta Daynta Ah Ee Ku Soo Hagaagaya Somaliland .
Qolyaha Soomaaliya Waxaad Moodaa Inuu Qalbigooda Iyo Maskaxdoodu Madoobaatay Oo Weli Sidii Wax Waalan Waxay Ku Badhaaciyaan Somaliland Nagama Go’i Karto, Boqolaal Jeerna Waxay Dagaalo Hubaysan Ku Soo Qaadeen Deegaamada Somaliland Yagoo Soo Adeegsanaya Ama Ka Barar Dagaalamaya Maamul Goboleedka Puntland Jabkii Iyo Dhirbaacadii Ka Raacdayna Waa Tii Ay Ku Quus Qaateen., Wan Wayn ILaa La Goowraco Indhihiisu Cirka Ma Arkaan.
Maamulkaa Muqdisho Waxaan U Soo Jeedinayaa Weligiin Waxaad Ku Jiraysaan
5 Km Ee Ciidamadda Amisom ILaaliyaan, Qaraxyada , Xasuuqa Al Shabaab Iyo Wadamadda Shisheeye Idiinku Haysaan
Ka Dhamaanmaysaan Boqol Sanana Ha Noqotee Waana Xasuuqii Aad U Gaysateen Somaliland Ayaa Allaah(Swt) Dushiisa Ku Qarxiyay, Soomaaliya Oo Nabadi Ka Dhalato
Waxay Ku Xidhan Tahay Somaliland Oo Aad Aqoonsataan, Mag Dhoow,  Raali Gelina Iyo Nabad Laydiinka Helo Insha Allaah.
Qalinkii Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker