Dayax gacmeed sida muunad lagasoo qaaday dhagaxa “ugu khatarta badan” dunida oo dhulka kusoo wajahan
Saxaraha ku taal galbeedka Maraykanka waxaa kuso degaya dayax-gacmeedka Nasa ee Osiris-Rex, oo sida muunad laga soo qaaday dhagax lagu magacaabo Bennu.
Saynis yahano ka kala socda daafaha caalamka ayaa safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u daraasayn lahaayeen walxahan, oo ah bus lagasoo xoqay waxa lagu tilmaamay dhagaxa hawada sare ee ugu khatarta badan ee ku jira Hab-dhiska Qorraxda.
In kasta oo aan diiradda saarayno samada sare ee gobolka Maraykanka ee Utah waxaan kula wadaagi doonnaa wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato howlgalka, ku saabsan Bennu, iyo sababta 250-ka garaam ee boodhka ah ay u siin karto saynisyahannada tilmaamo ku saabsan sida noloshu uga bilaabatay Dunida. Halkan nagala soco.