Garoonka Kubaddda Cagta ee Muqdisho Stadium Oo Lagu Badalayo Eng Yariisow Stadium

Garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadium ayaa waxaa lagu wadaa in loogu magac-daro Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir & Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow). AHN

Masuuliyiinta Dowladda Somaliya ayaa la fillayaa in maalinta Jimcaha ay Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqaan in Garoonka Banaadir Stadium loogu magac-daray Eng. Yariisow.

Isla Jimcaha ayaa waxaa lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo tacsida Eng. Yariisow, iyadoona baroordiiq loogu samayn doono Garoonka Banaadir Stadium oo ku yaala Degmada C/casiis.

Allaha u naxariistee Eng. Yariisow ayaa 1dii bishan Magaalada Doha ee dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawacii 24-kii bishii July ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker