Guulaha Guulaha Xidhiidhka ah ee Kooxda Liverpool

Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liveprool ayaa guushii afraad ee xidhiidh ah ee dhamaan tartamada doonaysa inay diiwaanka gashato marka ay maanta garoonkeeda Anfield ku qaabisho kooxda qaab ciyaareedka fiican ku jirta ee West Ham United.

 

 

 

Reds oo 2-0 kusoo guuleysatay kulankii Champions League ee RFC Midtjylland ee toddobaadkii hore, ayaa soo dhoweynaysa West Ham oo iyaduna barbarro 1-1 ah lasoo gashay Manchester City kulankii ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League.

 

 

Ciyaartii Salaasadii ee Champions League waxay Liverpool kusii kordhisay dhibaatada ka haysata khadka dhexe ee difaaca, waxaanu dhaawac soo gaadhay xiddiga reer Brazil ee Fabinho ee sii buuxinayay booska uu ka maqan yahay Virgil van Dijk, laakiin waxa ka caawiyey guusha labada laacib ee Diogo Jota iyo Mohamed Salah.

 

 

Guushii uga horreysay ee Sheffield United ay 2-1 kaga badiyeen Sabtidii hore, waxay Liverpool awood ugu yeelatay inay hoggaanka horyaalka la qabato Everton oo ay isku dhibco yihiin, ahaynda kooxdii ay kasoo bilaabatay dhibaatada dhaawacyada Jurgen Klopp haysata, taas oo ay wax ku noqdeen Van Dijk, Thiago Alcantara iyo Joel Matip.

 

 

Laakiin rikoodhka cajiibka ah ee ay Liverpool ka haysato kulamada garoonkeeda Anfield ee aan hal-marna lagaga adkaanin tan iyo April 2017 oo ay Crystal Palace ku garaacday, waxay tababare Klopp iyo wiilashiisa ka caawin doontaa inay saddexda dhibcood ka qaataan West Ham oo kulankii Man City ku hormaray gool uu u dhaliyey Michail Antonio oo dhaawac ku maqan ciyaarta maanta.

 

 

West Ham United ayay ugu dambaysay inay ka guuleysato Liverpool xili ciyaareedkii 2015-16 oo ciyaar FA Cup ahayd ay Liveprool ku garaacday, balse intii ka dambaysay, waxay Reds soo heshay lix guulood iyo hal barbarro ah, toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay iska hor yimaaddeen.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs West Ham

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 8:30 pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield.

 

 

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood.

 

 

 

Maqnaanshaha muddada dheer ee Van Dijk, waxay tahay calaamaddu su’aal hor taalla tababare Jurgen Klopp oo la isweydiinayo sida uu u buuxin doono booskaas, iyadoo ay waliba sii dhaawacan yihiin Fabinho iyo Matip.

 

 

Rhys Williams ayaa ciyaartii ugu horreysay ee Premier League ah ugu soo bilaaban kara, waxaanu garab istaagi doonaa Joe Gomez oo ay difaaca dhexe  wada istaagi doonaan.

 

 

Jordan Henderson oo waqtigii nasashada la saaray ayaa walaac ku kordhiyey Klopp, balse tababaraha ayaa xaqiijiyey inuu fiican yahay kabtanka kooxdiisu, inkasta oo Thiago Alcantara iyo Naby Keita uu shaki ku jiro oo illaa daqiiqadaha ugu dambeeya uu sugayo inay taam soo noqon karaan.

 

 

Saddexda afka hore ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino oo kaydka kusoo bilowday ciyaartii badhtamaha usbuuca ee Champions League ayaa kusoo laaban doona safka hore, inkasta oo Salah uu tuunalka garoonka ku siibtay oo laga shakisan yahay.

 

 

West Ham waxa iyagana dhaawac kaga maqan Michail Antonio oo ah laacibkii ay inta ugu badan kasii baqaysay Liverpool oo wax ku noqday kulankii Man City ee uu goolka dhaliyey. Laakiin Said Benrahma oo ay amaah kagala soo wareegeen Brentford ayaa rajaynaya inuu booskaas buuxiyo.

 

 

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Williams, Robertson; Henderson, Milner, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane

West Ham United: Fabianski; Coufal, Balbuena, Ogbonna, Cresswell, Masuaku; Bowen, Rice, Soucek, Fornals; Haller.

Sheffield United vs Manchester City.

 

 

Dhinaca kale, Manchester City ayaa duhurnimada maanta waxay u tegaysaa Sheffield United oo ay dhaawacyo kaga maqan yihiin Lys Mousset, Jack O’Connell, John Flech iyo Simon Moore.

 

 

Tababare Wiler ayaa daboolka ka qaaday inuu fashilmay heshiis ay doonayeen inay waqtiga ugu kordhiyaan John Lundstram, taasina aanay layaab ka dhigayn haddii kaydka uu kasoo muuqdo.

 

 

Manchester City ayaa waxa iyagana dhaawac ka ah Gabriel Jesus, Benjamin Mendy, Fernandinho iyo Sergio Aguero oo dhamaantood maqan, sidoo kalena Nathan Ake ayaa dhaawac ku seegay ciyaartii ugu dambaysay.

Guardiola ayaa la filayaa inuu isbeddelo ku sameeyo shaxdii uu kula ciyaaray Marseille, isla markaana uu kusoo bilaabo Riyad Mahrez iyo Joao Cancelo.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Sheffield United: Ramsdale; Basham, Egan, Stevens; Baldock, Norwood, Ampadu, Berge, Osborn; Brewster, McBurnie

Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Laporte, Cancelo; Gundogan, Rodri, De Bruyne; Foden, Sterling, Mahre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker