Falalka Islaam nacaybka ah ee ay Muslimiinta Mareykanka Waajahan.

Daraasad laga sameeyay Mareykanka ayaa lagu ogaaday in saddex meelood labo ka mid ah dadka ku nool dalkaas lagula dhaqmay Islaam nacayb, halka in ka badan boqolkiiba 90 ay sheegen in arrintaasi ay saameysay caafimaadka maskaxdooda.

Ra’yi ururintan, oo ay si wada jir ah u sameeyeen Othering & Machadka Belonging ee Jaamacadda California, Berkeley, ayaa lagu ogaaday in 67.5 boqolkiiba dadka la wareystay ay sheegeen in lagula kacay falal Islaam nacayb ah, oo ay ku qeexeen “hadallo afka ah iyo/ama weerar shakhsiyadeed, siyaasadaha arrimaha bulshada, amaba dhaqamo aan habbooneyn oo guud ahaan ku wajahn Muslimiinta”.

Muslimiinat la wareystay ee gaarayay 1,123, boqolkiiba 76.7 haween ah ayaa sheegay inay la kulmeen Islaam nacayb, marka la barbar dhigo 58.6 boqolkiiba oo rag ah.

Xitaa dad intaas ka badan oo la wareystay, oo boqolkiiba 93.7 ah, ayaa sheegay in nacaybka Muslimiinta loo qabo ay ilaa xad saameysay caafimaadkooda maskaxda.

“Tani waxay muujineysaa in xitaa haddii aan qof Muslim ah si toos lagula dhaqmin Islaam nacayb, falalka Islaam nacaybka ee ay ku kacaan warbaahinteenna iyo dhaqanka kaddib 9/11 ayaa Muslimiinta gayeysiiyay inay ku fekeraan in lala socdo, la xukminayo, amaba si uun loo riixayo,” ayuu yiri Elsadig Elsheikh, oo ah agaasimaha barnaamijka caddaaladda adduunka ee machadka.

“Sida ay daraasaddeennu muujineyso, Islaam nacaybka ayaa saameyn ballaaran ku leh sida ay Muslimiintu ula macaamilaan bulshada, iyo caqabadaha ay kala kulmaan inay dareemaan inay bulshada ka tirsan yihiin,” ayuu intaas ku daray.

Ra’yi ururintan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dadka ay da’doodu u dhaxeyso 18 iyo 29 ay yihiin dadka inta badan la kulmay Islaam nacaybka, marka loo bar bar dhigo da’aadka kale, waxayna isla mar ahaantaas ku qasbanaadeen inay qariyaan diintooda si ay uga fogaadaan takoor, iyadoo 45 boqolkiiba ay sheegeen inay sidaas oo kale sameyn doonaan.

Natiijooyinka daraasadda ayaa la daabacay dhowr toddobaad kaddib sanad-guuradii 20-aad ee weerarradii 9/11, oo kordhiyay cadowtooyada loo hayo Muslimiinta, iyo siyaasadaha dowladda ee lagu beegsanayo Muslimiinta.

Elsheikh ayaa carrabaabay in Islaam nacaybku uu yahay wax dalkaasi ka jiray xitaa kahor weerarradaas.

“Waxaan ognahay in Islaam nacaybka uu taariikh dheer ku leeyahay Mareykanka, oo aysan soo bixin kaddib 9/11,” ayuu yidhi xilli uu Talaadadii la hadlayay guddiga ku dhawaaqayay natiijada.

“Islaam nacaybku keliya ma saameeyo Muslimiinta, balse bulshada Mareykanka guud ahaan ayuu saameeyaa.”

Iyadoo natiijada ay soo bandhigeen Waaxda Baaritaanka Federaalka ee Mareykanka ay muujineyso in dembiyada nacaybka ku saleysan ee ku wajahan Muslimiinta ay hoos u dhaceen sanadihii la soo dhaafay, haddana kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa qaba feker taas ka duwan, iyagoo sheegay in Islaam nacaybka dalkaasi uu dhowaan kordhay.

Golaha Xidhiidhka Islaamka Mareykanka (CAIR),oo taageeray daraasadda, ayaa horraantii sanadkan sheegay in in ka badan 500 oo dhacdooyin Muslimiinta ka dhan ah la soo weriyay bilihii ugu horreeyay ee sanadkan 2021.

Dhacdooyinkan waxaa ka mid ah weerarro loo geystay shakhsiyaad iyo Masaajid, oo u muuqday inay kordhayeen bishii May, markii Israa’iil ay bilowday 11 maalmood howlgal ah oo a ka fulisay Gaza kaas oo ay ku dhinteen 248 Falastiiniyiin ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker