Toogasho ka dhacday qunsuliyadda Sweden ee Izmir, Turkey
ย
Shaqaale Turkish ah, oo ka howlgalayey qunsuliyad sharafeed ay Sweden ku leedahay magaalada Izmir ee galbeedka Turkey ayaa lagu toogtay, oo si darran loogu dhaawacay bannaanka dhismaha qunsuliyadda, waxaa sidaas Talaadadii werisay warbaahinta dowladda ee TRT.
Xafiiska barasaabka Izmir ayaa bayaan ku sheegay in muwaadin Turkish ah oo degan gobolka bari ee Agri loo xiray falkan.
Booliska ayaa baaraya dhacdadan, ayuu intaas ku daray xafiiska.
Qunsulka guud ee Sweden ayaa maanta oo Arbaco ah u safraya Izmir, si uu xog dheeraad ah uga helo dhacdada, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay wadahadal dhow la leedahay qunsulkeeda guud ee Istanbul iyo shaqaalaheeda Turkey.
Qunsuliyadda Guud waxay xiriir la sameysay Qunusliyad Sharafeedka Izmir iyo masโuuliyiinta deegaanka, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden.
Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan faallo intaas dheer ka bixineyn โhalista ay wajahayaan shaqaalaha diblomaasiyadda iyo tallaabooyinka amni ee la qaaday, maadaama tani ay tahay halis ka hor-imaneysa ujeeddooyinka tallaabooyinkaas.โ
Wasiirka Caddaaladda Turkey, Yilmaz Tunc ayaa ku cambaareeyey weerarka, qoraal uu soo dhigay barta X ee horey loogu yaqiin twitter.
Waxa uu sheegay in baaritaan fal dambiyeed la billaabay si loo ifiyo dhacdadan.
Weerarka ayaa imanaya ayada oo bilihii dhowaa ay xiisan ka dhex oogneyd Turkey iyo Sweden.
Ankara ayaa marar badan cambaareysay goโaanka ay Sweden ku fasaxday dibadbaxyo lagu gubayo Kitaabka Quโraanka, oo qaarkood kahor dhacay qunsuliyadda Turkey ee caasimadda Sweden ee Stockholm.
Ankara ayaa sidoo kale muddo hortaagneyd damaca ay Stockholm ugu biireyso xulufada NATO, sababo la xiriira qurโaanka la gubay iyo in Sweden ay diiday inay soo gacan geliso shaqsiyaad Kurdish ah, oo Turkey ay ku eedeysay argagixisanimo.
Turkey ayaa ugu dambeyn bishii tagtay ogolaaatay in Sweden ay kusoo biirto NATO, kadib cadaadis ay billo wadeen Mareykanka iyo xubnaha kale ee ururka.
Qunsuliyad sharafeedka ayaa matala danaha muwaadiniintooda ee dibadda laakiin ma maamulaan diblomaasiyiin xirfad leh.
Reuters