Daawo Yaa Loo haystaa Oo Ka Danbeeyey Dilkii Madaxweynihii Dalka Haiti?
Koox ku taqasustay khaarijinta iyo shirqoollada dilka, oo u badnaa askar howlgab ka noqotay ciidamada Colombia, ayaa ka dambeeyay dilkii madaxweynihii Haiti, Jovenel Moรฏse, ee horraantii isbuucan, sida ay sheegeen booliska dalkaas.
Kooxda weerarka fulisay waxay ka koobnaayeen 26 u dhalatay Colombia iyo laba Mareykan ah – asalkooduna yahay Haiti – sida laga soo xigtay taliyaha Booliska dalkaas, Lรฉon Charles, oo la hadlay saxaafadda.
Siddeed ka mid ah kooxdaas laga shakisan yahay ayaa weli baxsad ah, 17-ka kale oo ay ka mid yihiin labada Mareykanka ah, ayaa la qabtay oo la xiray.
Kuwii sida ugu wayn looga shakisanaa waxaa lagu dilay dagaal iyaga iyo booliska ku dhexmaray magaalada caasimadda u ah Haiti ee Port-au-Prince.