Xukuumadda Jabuuti Oo Ka Jawaabtay Eedaymo Uga Yimi Dowlada Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa si weyn uga jawaabtay hadalkii shalay kasoo yeeray Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ee ku aadana in dowladda Jabuuti ay ka waddo Midowga Afrika Olole ka dhan ah Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti Ilyaas Maxamed Dawaale ayaa ku tilmaamay go’aanka xukuumadda Soomaaliya kasoo baxay mid niyad ku ah labada dal oo ah kuwo walaalo ah oo iskaashi badan uu dhex yaallo.

“Aad ayaan uga xumahay oo waxaan uga xumahay maqalka wasiir sare oo ka socda Soomaaliya oo ku celcelinaya mar labaad, eedeymo kale oo been abuur ah oo ah in dowladda Jabuuti uu ajande ka leedahay xiisadaha siyaasadeed ee hadda ka jira Soomaaliya” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa uga digay dowladaha Kenya iyo Jabuuti inay faragerlin ku sameeyaan Go’aanada ku saabsan Arrimaha Soomaaliya ee kasoo baxay Shirka Guddiga Amniga ee Midowga Afrika, kaas oo ka socda Magaalada Addis Ababa.

Wasiir Dubbe oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshay xog ku saabsan in dowladaha Jabuuti iyo Kenya ay wadaan ololo Diplumaasiyadeed oo Guddiga Amniga Midowga Afrika uga dhaadhacinayaan in lagu daro qodobo ay doonayan warmurtiyeedka laga soo saarayo shirka Midowga Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker