Algeria Oo Ku Dhawaaqday Waqtiga Ay Dhaceyso Doorashada Madaxtinimo.

Algeria-(OWN)-Madaxweynaha dalka Algeria ayaa ku dhawaaqay in doorashada madaxtinimo ay dhici doonto 18-ka bisha afaraad ee April ee sanadkan 2019-ka.

Ma cada in Cabdi Casiis Butafliiqa oo 81 jir uu u loolami doono xilka markii shanaad.

Hogaamiyaha wadankan ku yaal waqooyiga Afrika ayaa talada la wareegay sanadkii 1999-kii oo hada laga joogo 20 sano.

Djamel Ould Cabaas, oo ahaa madaxii hore ee xisbiga xoreynta qaranka  ee loo soo gaabiyo (FLN), ayaa laaryay bishii November ee sanadkii hore kadib markii uu ku dhawaaqay in Butafliiqa uu ahaan doono musharaxa u loolamaya xisbiga.

Mr Cabaas ayaa sheegay waqtigaas in la isla gartay kadib kulan ay wadaqaateen xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka ee madaxweynaha isku xisbiga yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker