Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Tareen Ku Tagaya Shirka Vietnam Ee Wada Yeelanayaan Donald Trump

Warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay xaqiijisay in hogaamiye Kim Jong-un uu u kicitimay shirka uu Vietnam kula yeelanayo Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump.

Warbixinn lagu baahiyay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa ah qirashadii ugu horeysay ee xukkumadda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono.

Warbixinn lagu baahiyay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa ah qirashadii ugu horeysay ee xukkumadda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono.

Socdaalkiisa waxaa la shaaciyay saacado uun ka dib markii tareen gaashaaman oo midabkiisu yahay cagaar iyo huruud uu ka gudbay xadka dalkaasi la leeyahay Shiinaha.

Safarka dalka Vietnam ayaa la filaya in uu qaato 60 saacadood. Waxaa la aaminsanyahay in safarka ay ku weheliyaan walashiis Kim Yo Jong, iyo mid kamid dadkii wadahadalada ugu qeybgalayay Jeneraal Kim Yong Chol.

Waxaa jirto hadal hayn sheegaysa in Mr Kim uu booqani doono xarumaha ganacsiga ee Vietnam shirka ka hor.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker