Jabhadda Kurdiyiinta Oo Ogolaaday Inay Ka Baxaan Dhulka Ku Teedsan Xaduuda Siiriya La Leedahay Turkey

Kurdida Oo Ogolaaday Inay Ka Baxaan Dhulka Xaduuda Siiriya-Turkey
By admin -October 21, 2019017

Sarkaal sare oo u hadlay Xoogaga Kurdida ee SDF/YPG ayaa sheegay inay ciidamadooda kala bixi doonaan dhulka ku dhaw xaduuda Turkiga sida uu qorayo heshiiska xabad joojinta ah oo ay wada gaadheen Turkiga iyo Maraykanka khamiistii lasoo dhaafay.

Kurdida ayaa sharuud uga dhigay in ciidamada Turkiga ay culeyska ka dulqaadaan magaalada Ras Al-Cayn oo ay maalmihii lasoo dhaafay dagaalo culus ka dhaceen isla markaana ay go’doomiyeen ciidamada Turkida iyo xulafadooda, Kurdida ayaa hada doonaya in maanta oo Axad ah ay goobahaasi kala baxaan shacabkooda iyo ciidamada weli ku sugan deegaankaas balse sheegay in ay Turkida weli aysan furin wadooyinkii ay mari lahaayeen.

Heshiiska xabad joojinta ah oo ay Khamiistii magaalada Ankara ku gaadheen Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo wafdi ka socda Maraykanka oo uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence ayaa ah mid soconaya illaa Salaasada soo socota, Erdogan ayaa shalay ku goodiyey in ciidamadiisa duulaanka dib u bilaabi doonaan hadii xoogaga kurdida aysan dib uga durkin ugu yaraan 30km xaduuda Turkiga laleeyahay wadanka Siiriya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker