Somaliland Oo Taiwan Kaga Qayb Gashay Bandhig dhaqameed Lagu Qabtay Magaalada  Taipei

Wakiilka   Somaliland u fadhiya Magaalada  Taipei , Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa ka qayb galay bandhig dhaqameedka ugu weyn ee dalka Taiwan kaas oo loogu talo galay in dunidu ku fahamto caado dhaqameedyada dadka reer Taiwan.

Wkiilka  Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in calanka Jamhuuriyadda Somaliland si weyn u ga muuqdaa dariiqyada waaweyn ee dalkaasi isaga oo ka dhinac babanaaya calamada dawladaha waaweyn sida Maraykanka, Midowga Yurub, Faransiiska, Kanada iyo dalal badan oo kale.

Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa in sheegay in safaarad ahaan ay ku dadaleen sidii dunidu fahmi lahayd Somaliland “Waxa aan ku dedaalnay in adduunyadu si fiican noo la fahamto ahmiyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal dimuqraaddi ah, xasilloon oo ku yaal meel aad u xaasaasi ah oo weliba istaraatiijik u ah nabadda, siyaadda iyo dhaqaalaha caalamka” ayuu yidhi

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay marba marka ka dambaysa noqoneysaa cadceed ay adag tahay in sacabka lagu qariyo, gaar ahaan ahmiyadda amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo juqraafiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker