Hawlgalka Amisom Ee Soomaaliya Oo Sheegay In Ay Diyaariyeen Wajiga Ugu Dambeeya Howlgalkooda.

Nairobi-(OWN)-Shir ka dhacay Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa lagu sheegay in lagu diyaariyay wajiga ugu dambeeya ee hawlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Madaxdii shirkaas ka qaybgashay waxaa ka mid ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa Amisom, Francisco Madeira.

Waxaa uu shirka ka sheegay in ay diyaariyeen Dukumiinti ay ku qeexan yihiin howlgallada Amisom ee 2019-2021, sidoo kalena ay diyaarinta ka mid tahay wareejinta amniga Soomaaliya oo loo gacan geliyo dowladda Federaalka ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in shirka ka mid tahay dhimista Ciidanka Amisom inta muddadaas lagu jiro iyo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu Mr Francisco Madeira, intaas ku daray in qorshahani la fulinaayo marka uu saxiixo Midowga Afrika iyo Taliyayaasha Waddamada Ciidamada ku yaboohay howlgalka Amisom.

Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in xalka Soomaaliya kaliya uusan ku jirin Militariga iyo toogashada Al-Shabaab ee loo baahan yahay in mashaariic kale la fuliyo si loogu guuleysto taageerada dadka rayidka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker