Magaalada Berbera Oo Ku Guuleysatay Abaal marin caalami ah

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa shaacisay in magaalada Berbera  ay ku guulaysatay abaalmarinta maamulka magaalooyinka daryeelka carruurta u wanaagsan.

UNICEF ayaa intaas ku dartay in maamulka magaalada Berbera uu ku guulaystay inuu adeegyada asaasiga ah u dhaadhiciyo gudaha.

“Tan iyo 2014 waxay magaalada dhaqan gelinaysay hannaanka adeegyada dadka lagu gaarsiiyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah, iyadoo maamulka magaalada uu wax ka qabtay adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada” ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saartay UNICEF.

Sida ay sheegtay UNICEF, Intaas waxaa sii dheer in dowladda hoose ee Berbera ay sare u qaadday miisaaniyadda iyagoo kharashka magaalada uga soo xarooda u adeegsaday bixinta adeegyada asaasiga ah, oo ay Miisaaniyadda waxbarashada iyo caafimaadka.

Maamulka ayey sheegtay UNICEF iney miisaaniyada caafimaadka iyo waxbaashada gaadhsiiyeen $1,339,872 oo dollar halka ay 2014kii ka aheyd $40,000 oo doolar oo kaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker