Madaxweynaha Somaliland oo ugu Baaqay Komishanka Inay Dhex iyo Garsoor u wada Noqdaan Xisbiyada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu baaqay lixda xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee maanta la dhaariyey inay xilkooda u gutaan si Caddaalad iyo Garsoor u ah dhammaan xisbiyada dalka oo dhan.
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu sidaas ka sheegay qoraal kooban oo uu galabta ku baahiyey bartiisa Twitterka .
Md. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in xubnaha komishanku ay dhaarteen isla markaana maanta laga bilaabo looga baahan yahay inay dhex iyo garsoor u noqdan bulshada iyo xisbiyada oo dhan.
Waxa kaloo uu Madaxweynuhu ILAAHAY uga baryey inuu Komishanka ku guuleeyo hawsha baaxadda leh ee Qaranku u igmaday.
โWaxa aan idinkula dardaarmayaa caddaallad iyo garsoor xaq ah. Rabbi ha idinku idinku guuleeyo hawsha baaxadda leh ee Qaranku idiin igmaday,โayuu yidhi Madaweyne Muuse Biixi.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa maanta qasriga madaxtooyada gaar ahaan Madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey lix ka mid ah Toddaba Xubnood ee Guddida doorashooyinka Qaranka ee dhawaan Golaha Wakiilladu ansixiyeen.