Hal Qof Oo Ku Shuf-beelay Guri Ku Gubtay Balligubadle Iyo Dadweynaha Oo Dab-damis Ka Codsaday Xukuumadda

Inta la ogyahay Hal Qof oo Rag ah ayaa ku Geeriyooday Dab ka kacay Guri ku yaalla Degmada Balligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd.

Dabkan oo sababta dhalisay aan illaa hadda la garanayn, ayaa socday muddo Saacado ah sida ay sheegeen Dadka ka qayb-galay Gurmadka Dadweynuhu u galeen inay ku bakhtiiyaan Ciid iyo wixii kale ee ay heli karayeen, maaddaama oo aanay Degmada Balligubadle lahayn Dab-damis, wallow markii dambe si dirqi ah loogu bakhtiiyey booyado Muddo la sugayey.

 

Dabkan ayaa ku Geeriyooday Alle ha u naxariistee Baashe Axmed Aw Cabdi oo loo malaynayo in Xilliga dabku kacay uu Guriga dhex hurday, waxaana sidoo kale Dabkaa ku shuf-beelay wixii Alaab taallay Guriga gubtay.

 

Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka  ee Gobolka Hawd Axmed Cali Direysle oo ka hadlay Dabka ka kacay Guriga ee Halka Qof ku Geeriyooday ayaa yidhi “Hal Qof oo Meyd ah ayaa ku dhex jira Guriga gubtay, laakiin waxaanu hubinaynaa in Cid kale ku dhex jirto.” Ayuu yidhi Isku-duwaha oo Telefiishanka la hadlay intaan la bakhtiin Dabkaasi.

Xildhibaan ka mid ah Golaha deegaanka Balligubadle oo isaguna Masiibadan ka hadlay ayaa yidhi “Afar Saacadood ayuu Dabkaasi socdaa, Nina wuu ku jiraa ayaa la leeyahay, hadduu Dab-damis jiro waalla bakhtiin lahaa.’

Xubin kale oo ka mid ah Dadka ka qayb-galay Bakhtiinta dabkaasi, ayaa isagoo ilmaynaya yidhi “Geeridu way dhacdaa, laakiin waxa Ayaan-darro ah Meydka Guriga laga soo saaray Jidhkiisu wuu saloolmay, sababtaasina waa Dab-damis la’aan. Waxaanu Guriga ku bakhtiinay Booyado aanay Mishiinnadu u istaadhmayn, sidaasi darteed waxaan u sheegayaa Xukuumadda inay ku xisaabtanto sidii ay Gaadiid Dab-damis u keeni lahayd (Balligubadle) sida Magaalooyinka kale..”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker