Maxkamad Muqdisho ku taala oo dambi ku heshay kaluumaysato shisheeye ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dambi ku heshay lix iyo sodon qof oo ah kaluumaysato u kala dhalatay wadamada Iiraan iyo Bakistaan, kuwaas oo laga qabtay badda Soomaaliya iyagoo sifo aan sharci ahayn u jilaabanayay kaluun.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud oo ku dhawaaqay xukunka raggan ku dhacay ayaa sheegay in midkiiba lagu xukumay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $11,000, taasoo wadarta guud ee lacagta lagu ganaaxay dhammaantood ka dhigaysa $396,000.

Garsoore Saalax waxa kale oo uu sheegay in raggan lagu xukumay inay bixiyaan $30,000 oo ah magdhowga kaluun ay si sharci darro ah uga dabteen badda Soomaaliya, kana dhoofiyeen dekadda Boosaaso, iyago geeyay dekadda salaala ee dalka Cumaan.

Maxkamadda ayaa la wareegtay labadii doomood ee raggan ay ku kaluumaysanayeen, iyo dhammaan qalabkii kaluumaysi ee saarnaa.

Maxkamaddu waxay horey u iibisay kaluunkii saaranaa labada doomood oo lacagta lagu iibiyay lagu sheegay $9,940.

Garsooraha ayaa sheegay in cidda aan ku qancin xukunka Maxkamadda ay racfaan qaadan karto.

Kaluumaysatada xukunku ku dhacay ayaa laga qabtay bishii Abriil 2023 biyaha Soomaaliya, gaar ahaan xeebta ku beegan degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker